Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sacuudiga oo shaaciyey talaabada uu qaadayo haddii Iran sameysato hubka Nuclearka

Wasiirka Arrimaha Dibedda Sacuudi Carabiya ayaa Axaddii sheegay in dalalka Khaliijka ay qaadi doonaan tallaabo ay ku xoojinayaan amnigooda haddii Iran ay hesho hub Nukliyeer ah.

“Haddii Iran ay hesho hub nukliyeer oo shaqeynaya, natiijada waa mid aan la qiyaasi karin,” waxaa sidaas yiri wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga Faisal bin Farhan Al Saud oo wareysi bixiyey isaga oo ku sugan Shirka Siyaasadda Adduunka ee Abu Dhabi.

“Waxaan ku jirnaa meel aad khatar u ah oo gobolka ah waxaad filan kartaan in dalalka gobolka ay si dhab ah u eegi doonaan sidii ay ammaankooda u sugi lahaayeen,” ayuu yiri. Hadalkiisa ayaa loo arkaa mid ka dhigan in dalalka Khaliijka ay ayagana raadin doonaan hub nukliyeer ah, haddii Iran ay hesho.

Wada-hadallada Nukliyeerka ayaa istaagay ayada oo quwadaha Reer Galbeedka ay ku eedeeyeen Iran inay la timid dalabyo aan suurtagal aheyn, waxayna kadib diiradda u weeciyeen dagaalka Ruushka iyo Ukraine

Iran waxay sheegtaa in teknoolajiyaddeeda Nukliyeerka ay tahay mid laga leeyahay dano rayid.

Wada-hadallo aan toos aheyn uu oo u dhaxeeyey Mareykanka iyo Iran oo lagu badbaadin lahaa heshiiskii Nukliyeerka ee 2015, kaasi oo Washington ay ka baxday 2018-kii, ayaa hakaday bishii September. Madaxa Nukliyeerka ee QM ayaa walaac ka muujiyey hadallo ay dhowaan Iran ku sheegtay inay xoojineyso kobcinta awooddeeda uranium-ka.

Related posts

Golaha Shacabka oo la horgeeyay Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2025

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo Daah-furay Shirka dib u eegista Dakhliga guud (Sawirro)

Cabdi Cade

Xogta kulan Kismaayo ku dhexmaray Guuleed iyo Axmed Madoobe (Sawirro)

Caydiid Ali