Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Iran oo xukun daldalaad ah ku fulisay Maajid Reza Rahnavard

Majid Reza Rahnavard oo 23 jir ahaa ayaa maanta lagu fuliyey Xukun Daldalaad ah, waana qofkii 2-aad ee ka tirsan Dibadbaxyaasha u xiran Dowladda Islaamiga ee Iran ee la dilay.

Warbaahinta Mizan News Website oo ku hadasha magaca Hay’adaha Garsoorka Iran ayaa qortay in Majid Reza Rahnavard in maanta lagu daldalay meel Fagaare ah oo ku taalla magaalladda Mashahd, iyadoo Marxuumka lagu eedeeyey inuu tooreey ku dilay Labo ka tirsan Ciiddanka Amaanka dalkaasi.

Bishan December 8-dii ayaa waxay Dowladda Islaamiga ee Iran Xukun Toogasho ah ku fulisay  Dibadbixii 1-aad, oo lagu magacaabo jirey Mohsen Shekari, kaasi oo lagu eedeeyey inuu dhaawacay 2 Askari iyo inuu xanibay Waddo.

Iran waxay gacan bir ah kula dhaqmaysaa Dibadbaxyaasha oo bishii 3aad wada dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan Mahsa Amini oo ku dhimatay gacanta Ciiddanka Anshaxa ee dalkaasi bishii September 16-dii ee sanadkan.

Dibadbaxyada dhexmaray Ciiddanka Amaanka iyo Dibadbaxyaasha waxaa lagu dilay 488 qof iyo 62 ka tirsan Ciiddanka Amaanka dalkaasi.

Waxaa la soo weriyey inay Xabsiyada ku jiraan 18,259 qof oo ka mid ahaa Dibadbaxyaasha ka qeyb galay Mudaaharaadyada ka dhanka ah dowlada

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe & wakiilka QM ee Somalia oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Kismaayo (Sawirro)

Caydiid Ali

Booliiska oo xiray Wiilal iyo gabdho jirdil u geestay Wiil kaddibna Muuqaal ka duubay

Cabdi Cade

Dhambaal laga siday Madaxweyne Xasan Sheekh oo la gaarsiiyay Xuseen Dhaaha (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---