Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Kenya oo ka hadashay Wadahadalada u bilaabanaya Soomaaliya iyo Somaliland

Dowladda Kenya ayaa ka hadashay wadahadalada la filayo in mar kale u bilowdaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, waxaana wadahadalan gar wadeyn ka ah dowladaha Norwey iyo Turkiga.

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha dalka Kenya, Monica Juma ayaa sheegtay in Kenya ay soo dhaweeneyso in mar kale dib u bilowdaan wadahadaladii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland .

“Waxaan soo dhaweyneynaa sida ay uga go’an tahay dhammaan dhinacyada inay sii wadaan waddada nabadda waarta. 8dii Diseembar, Hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Somaliland waxay ku heshiiyeen dib u furirda hannaanka dib u heshiisiinta” ayey tiri Monica Juma.

Wadahadaladii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa hakad galay sannadihii ugu dambeeyay , waxaana hadda la filayaa in dib loo bilaabo wadahadalan ay garwadeyn ka yihiin dadaalna ku bixinayaan dowladaha Norwey iyo Turkiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaar ka mid ah dad galabta laga soo celiyey Sacuudiga oo arrin yaab leh lagu arkay (Sawirro)

Caydiid Ali

Dugsiga Al Xusari oo Wargelin Muhiim ah u haya Qurbo joogta Soomaaliyeed

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Dibedbaxii maanta ka dhaxay xeebta Liido

Caydiid Ali
Taboola Ads ---