Sanadihii ugu danbeeyay waxaa soo hagaagayay Amniga magaalada Muqdisho, iyadoo loo awood sheeganayo dhinacyada lidka ku ah amniga.
Dowlada Federaalka ayaa dhankeeda xoogga ka saareysa in la buuxiyo dhammaan dal-daloolada jira, si looga gudbo baahiyaha amni ee iminka ka jira dalka, waxaana xusid mudan inay sii kordhayan ciidamada dhameysanaya Tababarada Difaaca dalka.
Sugida amniga ayaa imaankara kaliya marka la helo wada shaqeyn dhaba oo dhexmarta dowlada, laamaha ammaanka iyo shacabka, taasoo soo afjari karta raja xumadii laga qabay Amniga.
Haddaba waa Askari noocee ah midka aan u xulaneyno Amniga dalkeena ? (7-Qodob)
1-Askariga lagu aaminayo amniga Qaranka iyo midka shacabka waa inuu lahaada “Qadiyad qaran dhis”.
2-Askariga waa inuu ogyahay xaqa lagu leeyahay iyo midka uu isaga leeyahay.
3-Helida tababaro ciidan oo saldhig u noqon kara khibrada askarta si looga gudbo “Ka-talaabida shuruucda ciidanka”.
4-Dhisida anshaxa askarta iyo la tacaalida aqoontooda hoose iyo mida shaqo ee gaarka u ah.
5-Kasbashada bulshada uu amnigooda xaqiijinayo si looga takhlusiyo “cabsida ay shacabka ka qaban Askartooda”.
6-U nuglaanshaha awaamiirta kala sareynta taliyayaasha iyo madaxda.
7-Askariga u xilsaaran amniga waa in Heebadiisa ay tahay mid ay ku qanci karan Bushada sida “Nadaafada, Dhameystirka dareeska, Hubka iyo dabeecada”.
Sidee ayan ku sugi karnaa Amniga dalkeena amagoo ilaalineyna Heybada Qaanka ? (15-Qodob).
1-Sara u qaadista isku xirka Saraakiisha, Ciidamada iyo Shacabka loo adeegayo.
2-Diiwaan-galinta Hubka noocyadiisa kala duwan ee ciidanku isticmaalo.
3-In dares gaara ay leeyihiin ciidamada tusaale “Waa in laga gudbaa Soddomeeyada darees ee kala nooca ah oo ay isticmaalan ciidanka, iyadoo aad arkeyso in hal ciidan oo kawada tirsan Hal Hay’ad ay isticmaalayan dhowr darees oo kala nooc ah”.
4-In awoodda koowaad lasiiyo Ciidamada qarsoon ee ku dhex-nool Bulshada, islamarkaana loo dhameystiro baahiyahooda kala duwan.
5-Isla shaqeyn dhex marta DFS, Ganacsatada Suuqyada iyo dhalinyarada ka ganacsata shaqooyinka gacanta sida Caseeyayaasha, kuwa gawaarida dhaqo, Nootayooyinka IWM.
6-In Saraakiisha qaabilsan Amniga lagula xisaabtami karo dhacdooyinka ka dhaca goobaha ay ka mas’uulka yihiin.
7-Sameynta Xafiisyo ka hortaga in Askarta joogta Baraha koontaroolka ay laaluush ku dayan Gaadiidka.
8-Kordhinta ciidamada ka howlgala Isgoosyada magaalada Muqdisho iyo kuwa ka imaada Gobolada, si looga feejignaado “Askari daalan”.
9-In isla Xisaabtan lala sameeyo Ciidamada DFS, lana soo bandhigo ciqaabaadka uu leeyahay Askariga fal dambiyeed lagu qabto.
10-In gabi ahaa Ciidamada Militeriga laga dhex saaro Magaaladda, maadaama goobahooda shaqo ay yihiin Gobolada.
11-Sameynta Barnaamijo taxane ah oo lagu wacyi galinaayo Bulshada aan wax ka garaneynin qiimaha ay leedahay nabadgalyada iyo wadaniyada.
12-In Hay’adaha amaanka ay si qoto dheer uga faa’iideystan Dhalinyarada iyo Haweenka u caaboon “Shaqooyinka Amniga”, kuwaasoo qaadan kara kaalintooda ku aadan dhaqdhaqaaqyada ka socda Xaafadaha/Guryaha.
13-Sameynta Baro ku dhexyaal Xaafadaha kuwaasoo caawin u noqonkarta Saldhigyada oo inta badan ka fog xaafadaha qaar.
14-Xal u helida mushaar yarida heysata ciidamada, si looga gudbo laaluush qaadashada.
15-In dib loo bilaabo is dhexgalka Madaxda Dowlada iyo Shacabka, taasoo Meesha ka saari karta kala oodnaanta labada dhinac.
Geesta kale, Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa laga doonayaa in mas’uuliyada Amniga dalka ay u xusho Saraakiisha aqoonta duruqsan u leh cilmiga Amniga, iyadoo ahmiyada koowaad lasiinayo in la kala ilaaliyo “4.5 iyo amniga”.
”Ciidanku waa libaaxyo oo libaaxu carruurtiisa ma cuno” !?
W/Q. Ustaad Anwar Bakhiit
Fallanqeeye Arrimaha A.S.B