Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay deegaanka Al Kowthar

Ciidamada milatariga Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa saakay Al Shabaab kala wareegay deegaanka Al Kowthar oo kamid ah deegaanada waa weyn ee hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Taliyaha Ciidanka xoogga General Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ku guuleesteen in Al Shabaab ka saaraan deegaanka Al Kowthar uu tilmaamay in fariisin weyn u aheyd.

Jeneraal Odawaa ayaa sheegay in ciidamada wadaan howlgalo ka dhan ah Al Shabaabkii laga saaray deegaanka Al Kowthar, waxa uuna xusay in ay uga daba tagayaan Al Shabaab meel kasta ay cagta saaraan.

Deegaanka Al Kowthar ee ciidamada huwanta ah qabsadeen ayaa la sheegay in ay isugu tageen xubnihii Al Shabaab ee laga saaray degmada Aadan Yabaal, waxaa sidoo kale deegaankaasi u qaxay dadkii Aadan Yabaal ka baxay, kuwaa oo mar kale sii qaxay.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee howlgalada kawada Shabeelaha Dhaxe ayaa ku guuleestay in Al Shabaab ka saaraan deegaano badan oo gobolkaasi kaga sugnaayeen, waxaana hadda isku furmay gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhaxe oo horey u kala go’doonsanaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DF oo sheegtay iney kalsoonidii kala noqotay ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM

Caydiid Ali

(Sawirro) Axmed Madoobe oo xubno ka tirsan Wasiiradiisa ka dhegeystay warbixino la xiriira..

Caydiid Ali

Fethullah Gulen oo lagu Weeraray hoygiisa ku yaalla gobolka Pennsylvania (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---