Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Jarmalka oo Tallaabo degdeg ah qaaday kaddib qorshihii afgembi ee fashilmay

Ciidamada ammaanka dalka Jarmalka ayaa wali howlgalo culus ka wada qeybo kamid ah dalkaasi, kaddib qorshe afgembi fashilmay oo ay diyaariyeen kooxo katirsan xagjiriinta midigta-fog.

Dowladda Jarmalka ayaa si degdeg ah usoo saartay sharci cusub oo lagu xakameenayo hubka ay dadka heestaan, waxaana sharcigan lagu adkeenayaa heesashada hubka si looga fogaado in qataro amni lagu abuuro.

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Jarmalka ayaa sheegay in dalka uu ku qasban yahay in uu soo rogo cadaadis la xiriirasidii hubka loo xakameyn, si looga hortago in hab sharci darro ah hubkaasi loo adeegsado.

Xubno katirsan xagjiriinta midigta-fog ee dalka Jarmalka ayaa la dhigay xabsi, waxaana xubnahaasi lagu soo oogay dacwad la xariirta in ay isku dayeen afgembi fashilmay ay ku doonayeen in dowladda xilka uga tuuraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo ka digay Mudo kororsi kana hadlay Matalaada Gobolka Banaadir

Cabdi Cade

Sacuudiga oo dalkiisa ka mamnuucay Muwaadiniinta dalal uu Maraykanku ku jiro

Caydiid Ali

Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo isku dhiibay ciidanka dowlada Somalia (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---