Dowladda Kenya ayaa si weyn u adkeesay ammaanka xadka ay la wadaagto Soomaaliya, waxaana lasoo dhigay ciidamo aad u badan oo la soconaya dhaq dhaqaaqa xadka iyo sidoo kale dadka ka gudbaya.
Warbaahinta dalka Kenya ayaa baahiyay in dowladda ciidamo aad u badan geesay xadka Soomaaliya, si ay ciidamadan uga hortagaan firxadka dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo laga yaabo in ay soo galaan Kenya.
Ciidamada Kenya ayaa sidoo kale adkeeyay ammaanka magaalooyinka Gaarisa , Wajeer iyo Mandheera, halkaas oo laga cabsi qabo in ay soo gaaraan dagaalyahanada katirsan Al Shabaab ee ka tagaya gudaha Soomaaliya.
Kooxda Al Shabaab ayaa lagu qaaday howlgalo culus oo looga saaray degmooyin iyo deegaano badan ay maamulayeen, waxaana jirta cabsi laga qabo in dagaalyahanada Al Shabaab u baxsadaan Kenya si ay halkaasi meelo kamid ah gabaad uga dhigtaan.
Khubaro dhinaca dagaalka iyo ciidamada ku xeel dheer ayaa aaminsan in Al Shabaab dagaalyahanooda qaar u guuri karaan dalalka Soomaaliya dariska la ah si ay halkaasi uga helaan meelo ay gabaad uga dhigtaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com