Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Maxamed Bin Salman iyo Waxii ay kawada hadleen

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee caasimadda Boqortooyada Sacuudiga kula kulmay dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Kulanka dhax maray madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayey uga wada hadleen  xiriirka labada dal ka dhaxeeya iyo sidii loo sii xoojin lahaa Iskaashiga xiriirka ee dhinacyada kala duwan.

Wakaaladda wararka u fidisa Sacuudiga ee SPA, ayaa sidoo kale sheegtay in kulanka dhax maray Xasan Sheekh iyo Maxamed Bin Salmaan looga hadlay sidii Sacuudiga uga taageeri lahaa Soomaaliya dhinacyo badan sida hirgelinta mashaariic iyo gurmadka abaaraha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii dib loo doortay ka shaqeeyay soo celinta cilaaqaadkii dowladda Sacuudiga iyo dowlado kale la lahaayeen Soomaaliya , kuwaa oo xumaaday xilligii dowladii Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo Weerar culus ku qaaday deegaan ku dhaw Baydhabo iyo Dagaal halkaas ka dhacay

Cabdi Cade

Itoobiya oo shaacisay xiliga uu dhaqan galayo heshiiska badda looga siiyey Somaliland

Caydiid Ali

Somalia: Tirada dadka uu soo ritay COVID-19 & kuwa u dhintay oo sii kordhaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---