Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweynihii hore ee Somalia oo hambalyo u diray xulka Kubada cagta Marooko

Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ayaa hambalyo u diray xulka kubada cagta Marooko oo caawa afka ciida u daray Xulka Portugal, taasoo sababtay iney u soo gudbaan semi finalka koobka Aduunka.

Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in guusha ay gaareen xulka Marooko ay tahay mid taariikhi ah oo u soo hoyatay Afrika.

“Runtii waxaad naga dhigteen kuwo ku faano Morocco. Guushaan waa ka badan tahay in la tago Semi final. Tani waxay marag madoon u tahay in Afrika ay kor u kaceyso & in aan nahay xoog lagu xisaabtamo. Hambalyo Marocco” ayuu yiri Farmaajo.

Morocco ayaa noqotay waddankii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee gaara semi-finalka Koobka Adduunka ka dib markii  ay 1-0 ku garaacday Portugal.

Youssef En-Nesyri ayaa daqiiqadii 42-aad dhaliyay goolkii guusha, kaasoo Morocco ku abuuray han weyn oo ay ku faanayaan wadamada Carabta intii lagu jiray koobkii adduunka ee ugu horeeyay ee lagu soo bandhigo bariga dhexe.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA FARMAAJO UU SOO DHIGAY BARTA TWITTERKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Sida quruxda badan ee RW Khayre loogu soo dhoweeyey Kismaayo

Caydiid Ali

Muxuu Max’uud Sayid Aadan kala hadlay Saraakiisha amniga gobolka Gedo (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Biixi oo duuliyay diyaarad yar ee Somaliland leedahay (Sawirro)

Cabdi Cade