Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa hambalyo u diray xubnaha guddiga doorashooyinka Galmudug oo maanta Baarlamanka Galmudug ay ansixiyeen.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale u hambalyeeyay guddigan oo iska dhex doortay Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Guddiga doorashooyinka Galmudug.
Qoorqoor ayaa ugu duceeyay in guddigan Ilaaheey la garab galo howsha culus ee loo igmaday.
Golaha Wasiiradda Galmudug ayaa shalay cod aqlabiyad leh ku Ansixiyay Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka Galmudug oo ka kooban todoba xubnood.
Baarlamaanka Galmudug ayaa horay u ansixiyey Bishii September 2022, Sharci Lr. 19 oo Tilmaamaya Qaab-dhismeedka Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Galmudug.
Waa markii ugu horeysay ee Galmudug yeelato Guddi Madax Banaan oo ku dhisan habraac Sharciyeed, haystana Ansixinta Xukuumadda iyo Kalsoonida Baarlamaanka Galmudug.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com