Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Surwaalo Jeans duug ah oo lagu kala iibsaday lacag waali ah iyo sababta ka dambeysa (Sawirro)

Labo Surwaal Jeans ah oo duugoobay ayaa lagu kala iibsaday qiime dhan 114 kun oo Dollar ka Maraykanka ah waxaana xaraashka sawaaiishan iyo alaabo oo qaali ah ay ka dhacday gobolka Nevada ee dalka Mareykanka.

Suraawiishan oo ah mid uu xiran jiray nin macdan qode ahaa ayaa ka mid ahaa Alaabo laga helay markab ku degay xeebaha dalka Maraykanka sannadkii 1951 kii.

Waxaa loo aqoonsaday labada sarwaal ee Jeans ka ah kuwa ugu da’da weyn inta saraawiisha oo dhan.

Markabka SS Central America ayaa ku degay duufaan ku kacday Sebtembar 12, 1857 xili ay ka buuxaan rakaab ka bilaabay safarkooda San Francisco waxayna ku sii jeedeen New York iyagoo sii maraya Panama.

Ilaa 425 qof ayaa ku naf waayey, 153 qofna waa la badbaadiyey markii markabkii Dahabku hoos u dhacay duufaantii Sebtembar 1857kii.

In ka badan 7,500 oo qandaraasleyaal ah oo ka kala yimid adduunka oo dhan ayaa ku soo qulqulay guriga xaraashka ee Nevada si ay ugu tartamaan dahab, shaatiyada hore iyo sanduuqa xamuulka ee Wells Fargo ee ugu da’da weyn, iyo alaab kale oo laga soo saaray burburka makabka quusay.

Jeanisyada, si kastaba ha ahaatee, ayaa ahaa dhacdada ugu weyn waxaana lagu iibiyay qiimo dhan $114,000 – dhammaan alaabtii xaraashka ahayd waxaa lagu iibsaday heshay ku dhawaad $1 milyan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Waddooyin hor leh oo kuyaalla Muqdisho oo dhagxaan lagu xiray (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wakiilo Somaliland u joogay Wadamo kuyaala Yurub iyo Carabta oo xilka laga qaaday

Cabdi Cade

Rag lagu eedeeyey iney tirsan yihiin heyadda NISA oo lagu xiray Somaliland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---