Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Guudlaawe iyo Masuuliyiin kale oo safar dhulka ah ku gaaray gobolka Hiiraan (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay Magaalada Moqokori ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha iyo Wafdiisa oo socdaal dhulka uga soo ambabaxay Degmada Aadan yabaal ayaa soo maray deegaanada mubaax iyo ceel qooxle oo kamid ah deegaanadii dhowaan la xureeyay waxaana boqolaal dadweyne ah ay kusoo dhoweeyeen bartamaha Magaalada Muqakori ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay bushada qiimaha ee sida diiran ugu soo dhoweeyay Magaalada waxa uuna bogaadiyay bulshada deegaankaan iyo qeybaha kala duwan ee ciidamada oo Al Shabaab ka xureeyay degmada.

Madaxweynaha ayaa xusay in maanta wixii ka dambeeya moqokari ay ka mid tahay degmooyinka Hirshabeelle, isagoo faray Wasiirka Arrimaha Arrimaha Dowladda Hirshabeelle in deg deg uu kusoo magacaabo maamulkeeda oo dhameystiran sidoo kalana laga fuliyo mashaariicda ay xaqa u leedahay degmada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladdu ka shaqeyn doonto horumarinta adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka iyo hagaajinta ceelasha waxa uuna bulshada degmadaan ugu baaqay inay usoo baxaan ciribtirka kooxda alshabaab.

Related posts

Maamulka gobolka Banaadir oo xiray xarun ku taalla Muqdisho, shaqsiyaad joogayna xir-xiray

Caydiid Ali

Kaluumeesato Kenyan ah oo lagu qasbay in ay Cunaan Kaluun Ceyriin ah iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Dawladda Soomaaliya ayaa markii u horreysay gudbisay toddobo heshiis oo caalami ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---