Maxkamad kutaalla gobolka Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday askari madow ah oo katirsanaa booliiska Mareykanka, kaa oo lagu helay in uu ku lug lahaa dilkii loo geestay George Floyd.
J Alexander Kueng oo ka tirsan booliska gobolka Minneapolis ayey ku cadaatay in uu dhabarka kaga istaagay George Floyd, oo ahaa ninkii madowga ahaa ee dilkiisa carrada badan ka abuuray gudaha Mareykanka iyo meelo badan oo caalamka katirsan.
Maxkamadda ayaa ninkan ku xukuntay saddex sanno iyo bar xabsi ah,waxa uuna askarigan hore qirtay dambi ah in uu ka qeyb qaatay ku lug lahaanshaha iyo dilka darajada koowaad.
Askarigan xukunka xabsiga ah lagu riday ayaa kamid ahaa afar sarkaal oo boolis ah oo lala xiriiriyay dilka xilli laga soo duubay muuqaal, waxaana askarigan la xukumay iyo kuwa kale lagu eedeeyay in dilka fududeeyeen.
Dilka George Floyd ayaa dhacay iyada oo muuqaal toos ah laga duubayay, waxaana dilka geestay sargaal cadaan ah oo katirsanaa booliiska, kaa oo tunka kaga istaagsanaa ninka madowga ah ilaa uu ka geeriyoodo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com