Taliska ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa shaaciyay in howlgal ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ka fuliyeen deegaanka Dhabaq-libeey ee hoostaga degmada Aadan Yabaal lagu dilay saraakiil iyo xubno katirsan Al Shabaab.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ciidanka xoogga oo kaashanaya ciidamada degaanka howlgal qorsheeysan ku dileen 14 xubnood oo katirsan Al Shabaab.
Jeneraal Odawaa ayaa sheegay in xubnaha la dilay ay isugu jireen saraakiil iyo dagaalyahano, waxa uuna xusay in lagu weeraray deegaanka Dhabaq-libeey xilli ay qorsheenayeen weerar ay kusoo qaadaan degmada Aadan Yabaal.
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa Al Shabaab kala wareegay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana degmadaasi shalay gaaray madaxweynaha Hirshabelle iyo madax kale oo katirsan maamulkaasi iyo DF.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com