Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan gurmadka abaaraha Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa magaalada New York ee dalka Maraykanka kaga qeyb galay munaasabadda deeq Ururinta Sanduuqa ka jawaabista gurmadka degdegga ah ee Qaramada Midoobay (CERF).
Munaasabadda oo uu soo qaban-qaabiyay xafiiska Qaramada Midoobay ee isku duwidda arrimaha bani’aadannimada (OCHA), ayaa waxaa ka soo qayb-galay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ku xigeenkiisa arrimaha gargaarka bani’aadannimada, Marytin Griffins, Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland, Pekka Haavisto iyo Wasiiru Dawladaha Arrimaha Dibadda Pakistan, Ms. Hina Rabbani Khar.
Ergeyga oo ka mid ahaa masuuliyiinta lagu martiqaaday hadal jeedinta ayaa golaha la wadaagay warbixin kooban oo la xariirta xaaladda abaarta dalka ka jirta, isagoo sheegay in dadaalka hoggaamineed ee dowladda federaalka ee ku aaddan gurmadka abaaraha, jawaabtii deeq bixiyayaasha iyo hawlihii hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwa caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah lagaga hortagay macluul la saadaalinayay in ay dalka ka dhacdo bishii Oktoobar, wuxuuna u mahad celiyay dhammaan dalalka garab istaagay Soomaaliya waqtigan adag.
Ergayga ayaa sheegay in ay muhiimad wayn leedahay taageerada bani’aadannimo ee looga jawaabayo xaaladaha degdegga ah, hayeeshee wuxuu xusay in Soomaaliya u baahan tahay in garab lagu siiyo maalgelinta mashaariic dhisaya u adkaysiga aafooyinka iyo la qabsiga is-beddelka cimilada, si looga maarmo ku tiirsanaanta gaargaarka bani’aadannimo.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Waraame ayaa dhinaca kale sheegay in aysan caqli gal ahayn in Soomaaliya 10-kii sano ee ugu danbaysay ay hawlaha gargaarka bani’aadannimada ku baxday 5 bilyan oo doolar, welina ay abaarihii ay soo noqnoqanayaan, iyadoo macluul halis loogu jiro. Wuxuu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in qaabka hawlagalka bani’aadannimo wax laga beddelo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com