Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo Cunaqabateyn adag kusoo rogay ganacsade Sitki Ayan iyo Dambiga loo heesto

Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn adag kusoo rogtay ganacsade caan ah oo u dhashay dalka Turkiga, kaa oo lagu eedeeyay in uu howlgaliyay shabkaad ganacsi oo maamuleysay saliid laga keenay dalka Iran.

Sitki Ayan ayaa dowladda Mareykanka sheegtay in uu  maamulayay masuulna ka ahaa shabakad ganacsi oo suuqa galisay saliid lagu qiimeyey boqolaal milyan oo dollar oo ay leeyihiin Ilaalada Kacaanka Iran.

Wasaaaradda maaliyadda Mareykanka ayaa qoraal ay soo saartay ku shaacisay in liiska dad cunaqabateyn la saaray ay ku jiraan ganacsade Sitki Ayan, wiil uu dhalay iyo sidoo kale sargaal oo ganacsigiisa maamulayay.

Mareykanka ayaana xayiraad saaray hanti kasta oo ganacsadahan iyo xubnaha kalle ka taalla dalka Mareykanka, waxaa sidoo kale laga mamnuucay  inay galaangal ku yeeshaan suuqyada maaliyadeed iyo ganacsiga adduunka.

Ayan ayaa lagu eedeeyay in uu gacan ka gaystay in lacagta kasoo baxday iibka uu gaarsiiyo Ilaalada Kacaanka ,sidoo kale isticmaalay shabakadda shirkadihiisa ASB Group ee ka diwaan-gashan Gibraltar si uu u qariyo asalka saliidda iyo halka ay ku socoto lacagta.

Ganacsade Ayaan ayaa kamid ah ganacsatada ugu caansan dalka Mareykanka, waxaana ganacsadahan la sheegay in uu kamid yahay saaxiibada ku dhaw dhaw Madaxweynaha Turkiga Rajeb Tayib Erdogan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in la hakiyey doorashada kursiga HOP-86 ee Fahad Yaasiin uu daneynayo?

Caydiid Ali

Nin geystay toogasho uu dhiig badan ku daatay oo Maxkamad la soo taagay (Sawirro)

Caydiid Ali

Maraykanka oo taageeray Mowqifka uu Midowga Afrika ka qaatay muddo kororsiga DF

Caydiid Ali
Taboola Ads ---