Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Guudlaawe oo tagay Degmada Aadan Yabaal iyo Deegaano kale (Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo socdaal dhulka ah uga soo baxay Magaalada Jowhar ayaa soo gaaray deegaanada ceeldheere, miiro iyo degmada aadan yabaal oo dhowaan laga xureeyay kooxda khawaarijta ah ee Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay siyaasiyiinta, dhaqanka iyo bulshada deegaanka ceeldheere oo u soo baxay ka qeybgalka howlgalada lagu ciribtirayo Al Shabaan ,isagoo bogaadiyay ciidamo deegaanka ee usoo qalab qaatay dagaalada lagula jiro kooxaha cadowga.

Cali Guudlaawe ayaa sidoo kale degmada Aadan Yabaal kula kulmay madax katirsan maamulka Hirshabelle , xildhihaano iyo saraakiil horey ugu sugnaa degmada Aadan Yabaal oo dhawwaan Al Shabaab laga saaray.

Degmada Aadan Yabaal oo aheyd xaruntii ugu weyneed Al Shabaab ayaa waxaa hadda ku sugan madax kala duwan oo ka kala yimid Shabeelaha Dhaxe iyo Hiiraan , kuwaa oo abaabul dagaal kawada degmadaasi.

Related posts

(Sawirro) Madaxweyne Xasan Shiikh oo kulan iskugu yeeray Golaha Amniga Qaranka

Caydiid Ali

Jeneraal Biixi oo lagu soo dhaweeyay magaalada Baladweyne (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Maamulka Galmudug oo amaro cusub ku soo rogay ganacsatada Qaadka (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---