Wasiirka Waxbarshada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS, Mudane Farah Sheikh Abdulkadir , oo magaalada Paris uga qayb galay shirka Golaha Sare ee Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada (Global Partnership for Education – GPE).
Dowlada Soomaaliya oo xubin ka ah ururkan aya sidoo kaleĀ sanadkan shirka golaha ku matalaysay Gobolka geeska Africa iyadoo si weyn looga doodayĀ qorshaha waxbarasho isbeddel abuurta.
Soomaaaliya waxa ay ka mid tahay waddamada ugu hooseeyaĀ dhanka helitaanka fursadaha waxbarashada ayaa waxaan fursado waxbarashaho helin in kaĀ badan 4 milyan oo caruur Soomaaliyeed ah.
Golaha GPE oo uu hoggaamiyo madaxweynahii hore ee Tansaaniya Mudane Kikwete, ayaa bogaadiyay dadaalada Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare , iyagoo ballanqaaday inay si weyn u garab istaagayaan dadaalada horumrinta Waxbarashada.
Wasiirka Waxbarshada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS, Mudane Farah Sheikh Abdulkadir ayaa shirkaas ka sheegay dedaalka dowladu ugu jirto horumaarinta waxbarashada ubadka iyo caqabadaha ka heysta.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com