Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

(Sawirro) Madaxweyne xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu ku dhaqaaqay talaabo qaldan

Madaxweynihii dalka Peru, Pedro Castillo ayaa xabsiga la dhigay ka dib markii lagu eedeeyay kacdoon iyo shirqool uu ku jabiyay nidaamka dastuuriga ah ee dalkaas.

Pedro Castillo oo xilka laga xayuubiyay ayaa lagu beddelay haweeneyda madaxweyne ku xigeenka ahayd ee lagu magacaabo Dina Boluarte oo noqoneysa madaxweynihii ugu horeeyey dumar ah ee dalkaas hogaankiisa qabata

Madaxweynihii hore Pedro Castillo ayaa xilka laga qaaday saacado ka dib markii uu isku dayay inuu kala diro baarlamaanka. isagoo sheegay inuu Congress-ka ku beddelayo dawlad degdeg ah oo gaar ah.

Balse Xildhibaannada ayaa iska dhego tiray arrintan, waxaana ay shir degdeg ah oo ay yeesheen xilka uga qaadeen Madaxweynahooda. Durbadiiba Castillo waa la xiray oo waxaa lagu eedeeyay jabhadnimo.

Boluarte oo ah qareen 60 jir ah, ayaa sheegtay inay xukunka hayn doonto ilaa bisha July ee sanadka 2026-ka, markaas oo uu dhammaan lahaa waqtiga madaxweyne Castillo.

Waxa uu ku dhawaaqay inuu kala diri doono Congress-ka ay mucaaradku gacanta ku hayaan, iyadoo tallaabadaas ay argagax ku keentay dalka Peru – dhowr wasiir ayaa iska casilay xilalka, iyagoo ka biyo diidsan tallaabada uu qaadey Madaxweyne Castillo.

Madaxa maxkamada dastuuriga ah ayaa ku eedeeyay inuu bilaabay afgambi, halka Mareykanka uu “si adag ugu booriyay” Mr Castillo inuu ka laabto go’aankiisa.

Mexico ayaa sheegtay in haddii  Mr Castillo uu magangelyo weydiisto ay siinayaan. Warbaahinta maxalliga ah ee Peru ayaa sheegtay in markii la xirayay uu ku sii jeeday safaaradda Mexico ee magaalada Lima.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Diyaarad nuuca aan Duuliyaha laheyn oo hub waday oo lasoo riday

Cabdi Cade

Maxaa isku soo beegay baaqashada Khayre ee B/Weyne & xanibaada Madaxdii hore?!

admin

Al Shabaab oo saakay Weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday Saldhig Ciidan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---