Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka qaldan Shirkada Beco? (Shacabka Muqdisho oo qaati ka taagan koronto xumo)

Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya adeegga Koronto ee Shirkadda Beco oo maalin kasta baxda dhowr jeer, waxayna markiiba ka maqnaataa muddo saacado ah.

Arintan ayaa bilaabatay sadex cisho ka hor, waxayna saameysay xaafado badan goobo ganacsi, isbitaalo, hotelo iyo adeegyo lale oo lagama maarmaan u ah bulshada

Waxaa bixitaanka joogtada ah mararka qaar ka dhasha khasaare hantiyadeed iyo shaqooyinka ku tiirsan korontada oo hakad u gala.

“Anigoo Wiish la socda ayey korontadii baxday, mana gaarin qeybtii aan ka doonayey dabaqa sare, waxaan halkaas ku xayirnaa muddo ka badan 50 daqiiqo” ayuu yiri Xassan Cali Hurdaye oo ka mid ah shacabka oo ka hadlayey saameynya koronto xumida shirkada BECO.

Hadal heynta ugu badan Magaalada Muqdisho iyo baraha bulshada ayaa noqotay korontada tag-tageysa maalin kasta ee shirkadda Beco oo ah mida ugu weyn shirkadaha bixiya adeegga korontada ee magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah ganacsatada iyo shacabka ayaa sheegaya in hadii shirkadda Beco ay wax ka bedeli weyso arrintan ay dhici karto iney ku weyso macaamiil badan oo u wareegi doona shirkadaha kale ee korontada.

Weli Maamulka Shirkadda Beco kama hadlin ciladaan joogtada ah oo ay wajahayaan macaamiishooda, iyadoo ay xusid mudantahay in markii horeba ay bulshada cabasho ka qabtay qiimaha korontada oo aad u sarreeya.

Dhowaan ayey aheyd markii shirkadda beco ay macaamiisheeda ka raali gelisay cilad tan la mid aheyd  oo socotay muddo saddex todobaad ka badan, iyadoo balanqaaday ineysan soo laaban doonin, hase ahaatee  balan-qaas ayaa hadda u muuqda mid aan fulin.

Related posts

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka UK oo dooratay Guddoomiye cusub

Caydiid Ali

Xuutiyiinta dalka Yaman oo gudaha u galay dalka Sacuudiga

Cabdi Cade

Al Shabaab uu u hanjabtay Wiil Muuqaalkiisa baraha bulshada qabsaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---