Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

War-Murtiyeed laga soo saaray Shirkii Golaha Wasiirada ee Garawe (Sawirro)

Shirka golaha wasiirrada xukuumadda federaalka ah iyo wasiirrada dawlad gobaleedka Puntland oo uu shir-gudoominayay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta (Khamiis 2-da Agoosto 2018), ka qabsoomay xarunta Puntland ee Garoowe.

Shirka ayaa looga dooday qodobbo ay ka mid yihiin; xoojinta midnimada, wada shaqaynta wasaaradaha federaalka iyo Puntland iyo qodobo kale, waxaana lagu heshiiyay:

1- Waxaa la bogaadiyay wada shaqaynta wasaaradaha federaalka iyo Puntland, waxaana la soo jeediyay talooyin ku aaddan sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta labada dhinac
2- Waxaa la isku afgartay in la baahiyo hannaanka afarta tubood (1- Tubta siyaasadda loo dhanyahay 2- Tubta amniga iyo caddaaladda 3- Tubta dhaqaalaha iyo 4- Tubta Arrimaha bulshada) oo ah hannaan ay xukuumadda federaalku ku shaqeyso si loo dardargeliyo dib u dhiska dalka.
3- Dardargelinta daadejinta nidaamka Federaalka iyadoo la tixraacayo dastuurka iyo heshiisyada qaybsiga awoodaha iyo kheyraadka.
4- In si wadajir ah loo ilaaliyo midnimada dalka.
5- Golaha wasiiradu waxa ay aqbaleen in ay ka qayb qaataan dabbaaldegga munaasabadda 20 sano guurada ka soo wareegtay aasaaska Puntland oo la qaban doono 3da bisha Agoosto 2018.
6- Ra’iisulwasaaraha iyo wafdigiisa ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo madaxda dawlad gobaleedka Puntland soo dhawaynta hufan ee loo sameeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kenya oo amar cusub ku soo rogtay Masaajida & kaniisadaha Magaalada Nairobi

Caydiid Ali

Madaxweyne Macron oo qaaday talaabo ay ku dhiiran waayeen Madaxdii ka horeysay

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo ku eedeesay Dowlado shisheeye fashilka shirkii Dhuusomareeb

Cabdi Cade
Taboola Ads ---