Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW ku xigeenka DF oo gaaray dalka Angola iyo Xog ku aadan safarkiisa (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Salah Jama iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Luanda ee caasimadda dalka Angola.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa kaga qayb galaya halkaas Shir Madaxeedka 10-aad ee dalalka Afrika, Carebianka & Pacifiga (OACPS).

Shirka sanadkan oo ay ka qaybgalayaan madaxda 79 xubnood oo ka socda saddexda Qaaradood, ayaa looga hadli doonaa dhibaatooyinka isbeddelka cimillada, isu dheelitirka iyo koboca dhaqaalaha, caqabadaha amniga iyo nabadda

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Salah Jama ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo shirkaas taasoo uu kaga hadli doono xaalada Somalia sida uu u saameeyey isbedelka cimilada iyo horumarka laga gaaray dhaqaalaha, amniga iyo arrimo kale.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Salah Jama ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona qaar ka mid ah madaxda ka qeyb galaysa shirkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal caawa ka dhacay Dhuusamareeb xili uu ku sugan yahay RW Rooble

Caydiid Ali

Madaxweyne 80 sano jir ah oo laga codsaday inuu xilka sii hayo ka dib markii..

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo Shir heerkiisu sarreeyay uga qeyb gashay Adis Ababa (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---