Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Sida quruxda badan ee Laftagareen loogu soo dhoweeyey Garowe

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa lagu soo dhoweyey Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe Wafdiga Madaxweynaha waxaa kuso dhoweyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Dani labadda Golle Dowladda iyo Qeybaha kala duwan Bulshada Caasimada Garoowe.

Madaxweyne Laftgareen iyo Wafdigiisa ayaa maalmo joogi doona Magaalada Garoowe isagoona kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda ugu saraysa Dowladda Puntland iyo qeybaha kala duwan Bulshada.

Labada hogaamiye oo xiligii Madaxweyne Farmaajo siyaasad ahaan aad u kala fogaa ayaa hadda yeelanaya isbaheysi siyaaaadeed oo ay ku doonayaan muddo kordhin uu si weyn u diidan yahay Madaxweyne Xassan Shiikh oo doonaya in marka uu xiligooda dhamaado laga qabto labada maamul doorashooyin.

Waraka qaar ayaa sheegaya in Deni iyi Laftagareen ay safar wadajir ah ku tagayaan dalka Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Jubaland oo Magaacabay xubnaha Cusub ee Golaha Wasiirada Jubaland (Aqriso)

admin

(Akhriso) Midowga Musharixiinta oo digniin adag ka bixiyey talaabo ay damacsan tahay DF

Caydiid Ali

Cabashadii keentay Babaanbixii maanta ka dhacay Muqdisho oo la xaliyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---