Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia oo ansixiyey labo sharci oo xasaasi ah

Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho kaasoo looga hadlay qodobo kala duwan

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa ka warbixiyay laba sharci oo maanta lagu ansixiyay Shirka Golaha Wasiirada uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xame Cabdi Barre.

Labada sharci ee la ansixiyay ayaa kala ah Sharciga Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman iyo Sharciga Nidaamka Maaliyadeed ee Khayraadka Dhulka Hoostiisa.

“Shuruucdan waxay ahmiyad gaar ah u leeyihiin dagaalka lagula jiro Kooxaha Khawaarijta iyo maamulka nidaamka maaliyadeed ee qodista khayraadka dhulka hoostiisa ah” ayuu yiri afhayeenka xukuumada

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ciidamada Israil oo duqeeyay garoonka Diyaaradaha magaalada Xalab

Cabdi Cade

Dowladda oo wada Habraacyo cusub oo lagu xakameenayo dhaqaalaha Al Shabaab

Cabdi Cade

Sh. Aadan Madoobe oo arrin la xiriirta doorashada kala hadlay Saraakiisha ATMIS (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---