Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Jumca Alromaith oo lagu soo dhaweeyay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Danjiraha Cusub ee Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta Mudane Axmed Jumca Alromaith.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ugu mahadceliyay Dowladda Emarat-ka garab istaaga shacabka Soomaaliyeed xilliyada adag ee lasoo maray, gargaarka bini-aadannimo iyo Qorshaha dib loogu furaayo Isbitaalka Sheekh Zaaid ee ku yaala Degmada Shingaani.

Danjire Axmed ayaa dhankiisa ugu mahadceliyay Duqa Magaalada Muqdisho sida qalbi furnaanta leh oo uu usoo dhaweeyay, asigoona ku amaanay ka go’ naashiyaha horumarka caasimadda.

Waxa uuna balanqaaday danjiraha in uu ka shaqeyn doonno xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo midka iskaashi ee ka dhaxeeya labada shacab, iyo sidii ay Dowladda Emaratka gacan ugu geysan laheyd Qorshayaasha horumarineed iyo isku xirka Labada Caasimadood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ergada Dooraneysa kursiga HOP025 oo lagu soo dhaweeyay Dhuusomareeb (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Telfoon kula hadlay Erdogan iyo Waxii ay kawada hadleen

Cabdi Cade

Norwey oo shuruud yaab leh ku xireysa deeqaha ay siiso dalal ay ku jirto Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---