Ugu yaraan 28 qof oo tahriibayaal ah ayaa isku dayay inay ka baxsadaan diyaarad si deg deg ah ugu degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Barcelona ee ee dalka Spain. Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.
Diyaaradda ayaa ka soo duushay dalka Marooko, kuna sii jeeday dalka Turkiga balse waxay ku qasbanaatay inay si deg deg ah u degto, markii haweeney uur leh oo diyaaradda la socotay ay iska dhigtay inay foolatay, sida uu sheegay maamulka Spain.
Booliisku waxay qabteen 14 ka mid ah oo ay ku jirto haweeneyda uurka leh. 14-ka kalena weli lama helin, waxaana baadi goobaya booliska
Waxaa loo maleynayaa inay doonayeen inay si sharci darro ah ku galaan Spain ugana sii gudbaan dalalka kale ee Yurub.
Kooxda ayaa ka booday diyaaradda isla markii ay furmeen albaabbada, iyadoo Shan ka mid ah maxaabiista ayaa isla markiiba diyaarad dib loogu celiyay Morocco, Arrin tan la mid ah ayaana sanadkii hore ka dhacday dalkaas.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com