Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Gaashaandhigga oo gaaray Adis Ababa iyo Xog ku aadan Ujeedka Socdaalkiisa (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya.

Wafdiga Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ethiopia iyo Sarikiil katirsan wasaaradda difaaca Itoobiya

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya iyo xubnaha la socda ayaa la filayaa in kulamo kala duwan la qaataan masuuliyiin iyo saraakiil katirsan dowladda ,kuwaa ay kala hadli doonaan arrimo badan oo taagan.

Warar hoose aan helnay ayaa sheegaya in wasiirka gaashaandhigga  dowladda Itoobiya kala hadli doono sidii dowladda uga taageeri lahaayeen howlgalada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab oo hadda ka socda qaar kamid ah gobolada dalka.

Dowladda Itoobiya oo horey gacan uga geesan jirtay howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab ayaa door xilligan ku laheyn howlgalada socda, waxaana kaliya howlgalada iska kaashanaya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Ammaanka ee QM oo War ka soo saaray weeraradii Muqdisho & Baladweyne

Caydiid Ali

(Sawirro) Kulan dhexmaray Guddiga gaadiidleyda & Maamulka G/Banaadir oo fashilmay

Caydiid Ali

Ciidanka xoogga oo howlgal khasaaro lagu gaarsiiyay Al Shabaab saakay fuliyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---