Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

QM oo warbixin ka soo saartay arrin cusub oo kooxda Daacish laga ogaaday

Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay jiritaanka cadaymo muujinaya adeegsiga hubka Kiimikada oo ay adeegsadeen kooxdii la magac-baxday dowladda Islaamka ee maamuli jirtay degaano ka tirsan Ciraaq intii u dhaxeysay sanadihii 2014 iyo 2019.

Khubaro QM u xilsaartay baaritaankan ayaa sheegay in kooxda ISIS ay ay soo saartay gantaallo, hoobiye kiimiko ah, rasaas kiimika ka smaeysan baasuukayaal, madaxyo kimiko, iyo qalab kiimiko ah oo kuwa qarxa.

Baarayaasha waxay xooga saareen baaridda weerar ka dhacay magaalada Taza Khurmato ee dalka Ciraaq 8 March, 2016.

Waxay xaqiijiyeen inay ururiyeen caddaymo badan oo ay ku jiraan diiwaanka mushahaarka dagaalyahanadii ISIS iyo kuwoi kale oo wax ku ool ah.

Warbixintu waxay diirada saartay dhibaatooyinka caafimaad ee wali haysta dadka deggan Taza Khurmato, taasi oo ay ka mid yihiin cudurrada daba-dheeraada, kansarka, iyo dhibaatooyinka la xiriira caafimaadka taranka. kuwaasoo ay sabab u yihiin hubka halista ah ee loo isticmaalay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawiro : Sidii ay u dhacday Doorashadii Xildhibaanimo ee uu ku guuleystay Generaal Gaafow

Cabdi Cade

Puntland oo Magacowday guddi deg deg ah oo ka kooban todoba Xubnood (Magacyada)

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo Cafiyay Xildhibaankii dhawaan ka careesiiyay !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---