Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh: “Waxaan gaarnay heer dadkeennu ka doodayaan Al-Shabaab kaddib Maxaa xiga”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku gaaray dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa ka  qeyb galay Madasha Aragti-wadaagga Soomaaliyeed ee Heritage, taas oo lagu gorfeynayoy caqabadaha jira Gobolka oo ay ugu horreeyaan aragagixisada, Isbeddelka Cimilada iyo abaaraha soo noq-noqday ee aafeeyay gobolka.

“Ciidamada Qaranka iyo shacabka soomaaliyeed waxa ay guulo muhiim ah ka gaareen dagaalka Khawaarijta, waxaa u dambeysay degmada Aadan Yabaale oo ay dadkeenna ku dhibi jireen maantase xor ah. Al-shabaab waa ku jabeen dagaalka tooska ah. Alle mahaddi waxaan soo gaarnay heer dadkeennu ka doodayaan Shabaab kaddib dalka halkee loo jiheynayaa.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku soo bandhigay madasha, guulaha ay dowlada ka gaarto dagaalka ka dhanka ah argagixisada, deegaannada laga xoreeyey iyo sida ay uga go’an tahay in la soo afjaro halista khawaariijta. Madaxweynaha ayaa sidoo kale  ka warbixiyay abaaraha iyo saameynta ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ka qeyb-galay Madashan ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha, shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed guulaha is-daba-joogga ah ee laga gaaray argagixisada Alshabaab iyo deegaannada laga xoreeyey, iyadoo Labada Madaxweyne ay shahaado sharaf ka guddoomeen Machadka Heritage, taas oo lagu maamuusayey doorka ay ka qaateen nabadda iyo xasilloonida Gobolka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Qoorqoor oo ku dhax lugeeyay magaalada Xarardheere (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Nin gubay qabri ay ku aasneed Sodohdiis iyo Sababta keentay oo la ogaaday !!

Cabdi Cade

Ruushka oo Shaaciyay in Dagaalka 3-aad ku bilaaban doonin Taangiyo iyo Diyaarado

Cabdi Cade
Taboola Ads ---