Allbanaadir.com
NEWS

Souef Mohamed oo Ballanqaad muhiim ah u sameeyay Ra’isul Wasaare Xamse Barre (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Guddiga Midowga Afrika ahna madaxa ATMIS, Souef Mohamed El-Amine.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Souef ayaa si gaar ah looga hadlay arrimaha amniga, dadaallada dib-u-xoreynta, xasillinta iyo doorka ATMIS ee dagaalka lagu cirib tirayo kooxda Al Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ciidanka Midawga Afrika uga mahad celiyay doorkooda dhismaha nabad-gelyada dalka.

Madaxa ATMIS, Souef Mohamed El-Amine ayaa intii uu kulanku socday waxuuu dowladda Soomaaliya ugu hambalyeeyay guulaha la taaban karo ee ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay ka soo hooyeen dagaalka lagula jiro Khawaariijta, gaar ahaan guushii ugu dambeysay ee argagaxisada looga xorreeyay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Danjire Souef ayaa ballan qaaday in ATMIS ay dowladda Federaalka Soomaaliya kala shaqeyneyso dagaalka lagu ciribtirayo Al Shabaab iyo dadaallada Xukuumadda ee amniga iyo xasilloonida dalka looga hir-gelinayo.

Related posts

Dil saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in Malaayiin Dollar lagu khasaariyey fashilinta shirkii Afisiyooni ?

Caydiid Ali

Maraykanka oo qaadaya talaabo lagu carqaladeynayo xiriirka Iran iyo Ruushka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---