Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Wasiir soo jeediyay in la xakameeyo barashada Qur’aanka Kariimka iyo Carro ka dhalatay

Wasiirka waxbarashada dalka Holland ,Dennis Wiersma ayaa wada olole xooggan uu ku doonayo in lagu xakameeyo barashada Qur’aanka kariimka ah ee carruurta muslimiinta ah ee kunool dalkaasi.

Dennis Wiersma , ayaa sheegay inta badan carruurta muslimiinta ah ay dhigtaan dhamaadka isbuuca Qur’aanka Kariimka, waxa uuna ku eedeeyay dadka  Muslimiinta ah takoor iyo ku xadgudubka dastuurka.

Wasiirka waxbarashada Holland Wiersma ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii loo xakameyn lahaa carruurta la baro  Qur’aanka kariimka ah ee maalmaha fasaxa isbuuca, waxa uuna sheegay wasiirka in aysan dowladda maalgalin waxbarashadaasi muhiimna u arag.

Wiersma ayaa sheegay in  ay ka xun yihiin in wax ka hor imaanaya dimuquraadiyadda lagu baro in ka badan 1,000 carruur ah ugu yaraan 50 xaruumood oo ay maamulaan bulshada Islaamka ah oo ku yaalla dalka  Holland.

Waxa uu cadeeyay daraasad la sameeyay lagu ogaaday in carruurta muslimiinta la baro lagana wacyi galiyo dhaqamada xun xun ee dadka aan muslimka aheyn, taa uu wasiirku u arko in carruurta lagu xagjireenayo.

Ururo Islaami ah ay ku mideesan yihiin masaajida iyo dugsiyada ayaa si weyn uga carrooday hadalka wasiirka waxbarashada Holland, waxa ayna ururudan gudbiyeen dacwad ka dhan ah wasiirka waxbarashada Holland.

Muslimiinta kunool dalka Holland ayaa ku eedeeyay wasiirka waxbarashada Holland inuu ku kicinayo qayb bulshada ka mid ah una gaysanayo bahdil, nacayb iyo takoor ka dhan ah dadka muslimiinta ah .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo Odayaasha Bari u sheegay Ahmiyada maamulkiisu siinayo Boosaaso (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Trump oo hanjabaad culus u jeediyay dowlada Ciraaq shuruudna ku xiray ka bixitaanka …

Cabdi Cade

Maxkamadda Sare ee dalka oo u fariisatay dacwad ka dhan ah Maamulka G/Banaadir

Caydiid Ali
Taboola Ads ---