Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo Weerar khasaaro kala duwan dhaliyay ka fulisay gudaha Dalka Kenya

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday ciidamo katirsan dowladda Kenya oo marayay deegaan duleedka ka ah magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari Kenya.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xubnaha katirsan Al Shabaab rasaas culus ku fureen ciidamada Kenya oo marayay inta u dhaxeysa degaannada Weelmareer iyo Yunbis, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal khasaaro kala duwan dhaliyay.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in Al Shabaab qorayga loo yaqaan Sabanka la heleen mid kamid ah gaadiidkii ay wateen ciidamada Kenya uuna dhinac ka gubtay, waxaana la sheegay in ciidamada Kenya dhankooda iska difaaceen weerarka lagu gaaday.

Saraakiil katirsan ciidamada Kenya ayaa sheegay in ay fashiliyeen iskana difaaceen weerar kaga yimid dhinaca Al Shabaab, waxa ayna sheegeen in ay wadaan howlgalo lagu baadi goobayo ragii weerarka fuliyay.

Al Shabaab ayaa dhankooda sheegay in ciidamada Kenya weerarka ku gaarsiiyeen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, mana jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijinaya khasaaraha labada dhinac soo kala gaaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Maraakiibta dagaalka Mareykanka oo gaaray biyaha Taiwan & Shiinaha oo..

Caydiid Ali

Khudbadii Madaxweyne Farmaajo waxaan ka fahmay dhowr arrimood !!

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo u mahad celiyay Dowlada Mareykanka (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---