Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa degaanka ayaa si buuxda ula wareegay Degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ka dib muddo 10 sano ka badan oo Al-Shabaab ay gacanta ku heysay
Wasiirka Amniga Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa xaqiijiyey in Ciidamada ay si nabbadgelyo ah kula wareegeen degmadaas, kadib markii Al-Shabaab ay maalmo ka hor isaga baxeen.
Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa sheegay in Ciidamada ay hadda howlgallo guud ka wadaan xaafadaha degmada Aadan-yabaal, isla markaana uu sii socon doono howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowlada oo aad u feejigan ay isku fidiyeen xaafadaha degmada Aadan yabaal, iyagoo sidoo kale wadooyinka degmadaas iyo xarumaha muhiimka ah ku sameynaya miino baairis.
Aadan Yabaal ayaa aheyd degmadii ugu dambeysay ee gobolka Sh/ dhexe ay ka joogeen Al-shabaab ka dib markii degaanadii kale oo dhan gacantooda laga bixiyey todobaadyadii la soo dhaafay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com