Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Prof. Saciid Ciise: “Guulaha laga gaaray dagaalka argagxisada lagula jiro waxaa sabab u ah..”

Ayaan badanaa Soomaaliya oo iska ridey madaxweynihii hore oo hoog iyo halaag badan baday oo haddana intaas wax ka sii daran la damacsanaa, isagoo iskaashi wadaag la ahaa xukun maangaab iyo mid xagjirnimo oo si hubanti la’aaneed ku maamulanayey boqortooyo kelitalisnimo, taasoo si kalsooni qabweyni ka buuxdo shaki la’aan shacabka masaakiinta ah u isticmaalayey sida badeecad suuq taal, habdhaqankaas fooshaxun ayaa Ilaahey ku abuurtay caro sababtay inuu xukunka la gediyo.

Ayaan badanaa shacabka Soomaaliyeed oo helay madaxweyne ku hogaaminaya naftihurnimo uu shacabka ugu horseedayo ka xoreynta bahalnimada Alshabaab, kuwaas oo siyaabo kala duwan ugu adeegayey maslaxada cadowga shacabka iyo dowladnoimada Soomaaliyeed, kuwaas oo iskood isgu caleemosaaray iney yihiin aqoon-gaabaneyaal dib ugu ridoobey casrigii jaahiliyada Carabta.

Dagaalka Alshabaab 5 sano kadib lagu bilaabay waa mid lagu goynayo sisiladaha xanuunka badan ee maamulkii dowlada Farmaajo iyo Fahad, iyo boqortooyada yartaa ee dowladda Qatar ay ku cuuryaamiyeen shacabka Soomaaliyeed oo maskaxdooda iyo qalbiyadooda ku reebay dhaawacyo halisa iyo walaac nafeed oo qalbiyadooda u horseeday degenaasho la’aan maskaxeed.

Guul ma timaado haddii aan halgan dhib badan loo soo marin oo si geesinimo leh aan loo foodsaarin halista dhabta ah ee lagama maarmaanka u ah in la wajaho khataraha loo baahan yahay in isbedel mirodhala laga gaaro caqabadooyinka taagan. Dagaalka AlShabaab waa mid ka mida colaadaha nooga yimaada wadamada khaliijka oo ah meelaha ay ka soo maaxdaan sharta Carabta iyo shaydaamada ay hoosta ku wataan.

Madaxweyne HSM iyo hawlwadeenadiisa waxey guulo horudhaca ka gaareen la dagaalanka argagixisada, waxaana xaqiiqa in guul walba oo la gaaro ay barbar socoto nusqaanimo iyo guuldaro ka dhalata falceliska haraatida naflacaariga ku sugan xaaladdaha xaraaruga, maxaa yeelay xaaladda dagaalka ayaa ku saleysan filashada qasaaro kaa soo gaara cadowga aad jabka u geysato.

Baaxadda qasaaraha soo gaara jabka ku dhaca cadowga argagixisada waxaa lagu cabiraa dhibaatada aan maangalka ahayn oo argagaxnimada lagula beegsado rayidka aan hubeysneyn oo aan waxba galabsan. Cid walba oo u haysata in argagixinta dadka rayidka ah lagu xalin karo isla xisaabtan amni ama isbedel lagu sameeyo laamaha amniga waa kuwo ka fog maangal maskaxeedka ay ka buuxaan tuhungelino badan oo kala doorashadoodu kala daran yihiin.

Mudane Madaxweyne HSM isagoo awood dhaqaale iyo mid dowlad gacanta ku haya ayuu 2017kii waayey kursiga uu wax walba oo awoodisa ah uu ku doonay, waxaana jirey sababo kalifay guuldaradiisa oo salka ku hayey inuusan waxtar badan u sameyn maslaxada shacabka Soomaaliyeed ee u badan danyarta oo Ilaahey uu maqlo baryada codkooda, cabashadooda, iyo eedeymahooda.

Madaxweyne HSM nasiib badnaan awgeed xilka madaxweynaha dib uguma soo noqon 2022, balse isagoo dhaqaale ahaan iyo awood ahaan markiisii hore ka liita ayuu si fudud ugu guuleystey in dib loo soo doorto, maxaa yeelay markaan dambe Madaxweyne HSM wuxuu fulinayey rabitaanka shacabka, wuxuuna u soo galay halis fara badan oo uu badqabka nafta noloshiisa ka doorbiday badbaadinta Shacabka danyarta ah oo lagu hayey xukun u geystey dhaawacyo xanuun.

Waxaa hubanti la’aan ah in Madaxweyne HSM iyo hawlwadeenadiisu ay hadda ku taagan yahay taabogelinta wanaaga danta iyo maslaxada ummadda Soomaaliyeed, waxeyna sidaas ku kasbanayaan raali ka noqoshada Ilaahey iyo iney ku muteystaan taageerada shacabka ku qanacsan rabitaanka hogaamintooda ay ku difaacayaan wanaaga maslaxadooda guud.

MSB(AUN) wuxuu ahaa kelitaliye arxandaran oo dad badan laayey sanooyinkii u dambeeyey ee uu xukumayey Soomaaliya, taas oo sababtay in Ilaahey garabkiisa ka baxo oo sharafdaro uu dalka dibediisa ugu geeriyoodo isagoo ah qaxooti cid walba ay diidey magangelyo siintiisa, waxeyna ay cuqubadaas ugu dhacday kadib marka uu diidey oo lagu kari waayey inuusan dadkiisa rayidka ah uusan gumaadin.

Xiligiisii dahabiga ahaa Ilaahey wuxuu MSB uu awood u siiyey  inuu si sharaf leh 15kii sano ee xukunkiisa ugu horeeyey uu ku nimceeyo kheyr badan oo la huwiyey xilka madaxweynanimadiisa, waxaana taas sabab u ahayd inuu dadaal naftihurnimo ah uu u galay meelmarinta riyada rabitaanka shacabka Soomaaliyeed oo uu tiro badan u sameeyey gacanqabad u noqday daryeel mug weyn u ahayd dadka danyarta ah oo fursado u helay iney six or ah u awoodeen iney ku noolaadaan muruqooda, maskaxdooda, iyo maalkooda.

Shacabka danyarta ah inta laga shaqeynayo wanaaga maslaxadooda guud, waxey iyaguna cod dheer ugu duceynayaan madaxdooda, waana codkaas midka uu Ilaahey ajiibayo oo uu ku barakeynayo hogaanka madaxdaas oo nasiib u yeelanaya naxariista Eebe iyo rabitaanka jaceylka ummaddooda, taas oo dhaxal aayotiin leh u noqoneysa magaca iyo sharafta hogaamiyaha iyo hawlwadeenadiisa.

Hogaamiyaha goostay inuu dagaalamo oo uu difaaco badqabka shacabka ay masuuliyadoodu saran tahay, kama naxayo waxyeelada uu geysanayo cadawga gudha ugu dhex jira, balse qasaaro kasta oo uu kala kulmo waxaa kala weyn waxtarka balaaran ee dadkiisu helayaan kadib marka la gaaro guusha kama dambeysta ah oo ay ka dhalato degenaan amni, xasilooni siyaasadeed, iyo xoriyad ay shacabku ku naaloodaan meel kasta oo ay dalka ka degen yihiin.

W:Q Prof. Saciid Ciise Maxamuud
Guddoomiyaha Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
Maine, Texas, USA

Fiiro gaar ah: Fikrada qoraalkan waxay u gaar tahay shaqsiga ku saxiixan, kama tarjumeyso aragtida Allbanaadir Online, waana fursad u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa isagoo aan cidna ku xad gubeynin..

Related posts

Madaxweyne Deni oo la kulmay Guddiga Dib u habeynta Shaqaalaha Puntland (Sawirro)

Cabdi Cade

DEG DEG: Puntland oo ku dhawaaqday iney kalsoonidii kala noqotay dowlada Somalia

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo la kulmay Wefdi uu hogaaminayay Francisco Madeira (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---