Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Waa sidee xaalada Caafimaad Laacibkii hore ee Reer Brazil Pele oo Isbitaal ku jira?

Laacibkii hore ee reer Brazil Pele ayaa sheegay inuu wali yahay nin xooggan xilli lagu daweynayo isbitaal ku yaalla Sao Paulo ka dib markii ay soo wajaheen xanuuno kala duwan.

Qoraal ah oo uu soo saaray ayuu ku sheegay in fariimaha taageerada iyo sidoo kale daawashada Brazil ee Koobka Adduunka ay siiyeen awood.

Dhakhaatiirta la tacaalaya caafimaadkiisa ayaa sheegay inay wali daweyn ku socoto xaaladiisana ay deggan tahay”.

Arrintan ayaa timid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegayay in Pele la geeyay qeybta daryeelka degdeg ah ICU ka dib markii xaaladiisa caafimaad ay ka sii dartay.

Sida ay sheegeen dhakhaaiirta Pele ayaa laga helay caabuq xagga neef-mareenka ku dhaca, hase ahaatee xaaladdiisu wanaagsan tahay.

Laacinkan hore ayaa ah gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda Brazil isagoo dhaliyay 77 gool 92 kulan oo uu ciyaaray waxaana uu ka dhaliyay afar koob adduunka ah.

Pele oo imika 82 jir ah isla markana saddex jeer ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa isbitaalka ku jiray tan iyo todobaadkii hore.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Waalidiin badan oo ka cabanaya lacago baad u eg oo looga qaadayo Iskuulada Muqdisho

Cabdi Cade

Askar Faransiis ah oo ku dhamaatay shil dayuuradeed oo ka dhacay dalka Mali

Caydiid Ali

DEG DEG: Qarax xoog leh oo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---