Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo soo bandhigay xalka kaliya ee lagu yareen karo barakaca dadka (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya, mudane Hamza Abdi Barre oo maanta furay shir looga hadlayo xal u helidda barakaca, ayaa caddeeyay inay muhiim tahay in wax laga qabto sababaha keena barakaca oo ay ugu horreeyaan colaadaha iyo is-beddelka cimilada.

Mudane Xamse ayaa furitaanka shirka, oo socon doona saddex maalmood, ka sheegay in xukuumaddiisa oo ka shaqeyneysa in la helo xalka ugu haboon ee barakaca lagu xallin karo ay go’aansatay in kooxda Ak Shabaab lala dagaalo ilaa dalka dhan laga xoreynayo si dadka ay soo barakiciyeen ee xoola dhaqatada iyo beeraleyda ah ay deegaannadoodii ugu laabtaan oo tacabkii iyo xoola dhaqashadii ay dib ugu billaabaan.

“Waxaa muhiim ah inay istaagaan sababaha ay dadku u barcayaan annagoo taa ka duuleynaya xukuumaddu waxay qaadatay inay khawaarijta la gasho dagaal bini’aadninimo oo lagu badbaadinayo nafta, maalka iyo sharafta ummadda Somaaliyeed”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Shirka qaran ee Barakacayaasha ayaa maalmaha uu socdo waxaa aad looga hadli doonaa xalka ugu habboon ee wax looga qaban karo dhibaatooyinka dadka Soomaaliyeed ee barakacay, waxuuna Ra’iisul Wasaaruhu kula dardaarmay ka qeyb galayaasha inay maskaxda shiilaan oo ay kulanka kasoo saaraan talooyin wax ku ool ah oo wax looga qabanayo aminga, bulshada iyo dhaqaalaha, sidoo kalana xal u noqon kara ku dhawaad saddexda Milyan ee gudaha dalka ku barakacsan, sidoo kalana looga hor-tegi karo barakac kale oo dheeraad ah.

War-bixinnadii ugu dambeeyay ee lasoo saaray bishii October ee sannadkaan waxay caddeynayaan in rabshado, amni xumo, abaaro iyo daadad is-biirsaday ay sababeen in 2,967,500 oo ruux ay ku barakacaan gudaha dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masuuliyiintii Ahlu Sunna oo isaga baxay Dhuusomareeb iyo xog ku aadan halka ay joogaan

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaaraha Somalia & wafdi uu horkacayo oo saaka ka ambabaxay dalka

Caydiid Ali

Kooxo hubeysan oo goor dhow dil ka geystay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---