Allbanaadir.com
NEWS

Howlgalka ATMIS oo shaacisay in diyaarado Dagaal uga qeyb qaadanayaan dagaalka socda

Howlgalka Midowga Afrika ATMIS ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in ay qeyb ka yihiin howlgalada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ee ka socda qeybo kamid ah dalka, gaar ahaan deegaanada maamulka Hirshabelle.

Qoraal kasoo baxay howlgalka ATMIS ayaa lagu sheegay in ay diyaar u yihiin inay sii wadaan taageerada howlgalka dhinaca cirka ah ay u fidinayaan Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka ATMIS qoraalka kasoo baxay ayaa  lagu sheegay in inta lagu guda jiro howlgallada millateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab ay fulinayaan weerar dhinaca cirka si loogu taageero Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

“ Howlgalka ATMIS waxay sii wadaa inay taageerto dagaalka cirka ee ciidamada dhulka inta lagu jiro hawlgallada militari ee ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka kula jiraan Al Shabaab” ayaa lagu yiri qoraalka ATMIS kasoo baxay.
Ciidamada nabbad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS ayaa lagu eedeenayay in aysan wax lug ah ku laheyn howlgalada dalka ka socda ee lagula dagaalamayo Al Shabaab, waxa ayna ciidamada wali ku egyihiin fariisimihii ay horey u joogeen.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cabsi lasoo daristay Iskuullada magaalada Delhi kaddib farriimo cabsi gelin ah oo loo diray

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaare Scott Morrison oo loo heysto hees uu si foolxun u qaaday

Caydiid Ali

Cali Xarbi oo cadeeyay Sababtii ku kaliftay in uu dilo Xildhibaan Sir David Amess

Cabdi Cade
Taboola Ads ---