Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal ka socda deegaano hoostaga Aadan Yabaal iyo qaraxyo la maqlay

Ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa saakay weerar culus ku qaaday deegaano hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada huwanta ah iyo Al Shabaab.

Saraakiisha ciidamada hoggaamineysa ayaa sheegay in Al Shabaab khasaaro ku gaarsiiyeen weerarka ay ku qaadeen, waxa ayna sheegeen in rag badan ka dileen sidoo kale ka qabsadeen hub.

Dhinaca kale ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaan wali gudaha u gelin degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, halkaas oo la sheegay in ay isaga baxeen dagaalyahanada Al Shabaab iyo dadkii kale ee ku sugnaa.

Sida aan wararka ku heleyno ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa wali ku sugan bannaanka degmadaasi, waxa ayna ciidamada diyaarinayaan qorshihii ay ku gali lahaayeen degmadaasi oo muhiimad gaar ah ugu fadhiso qabsashadeeda.

Ciidamada ayaana bilaabay baaritaanada miinooyin laga cabsi qabo in Al Shabaab ku aaseen wadooyinka soo gala degmadaasi, waxa ayna ciidamada doonayaan in ay galaan degmada kana digtoonaadaan qaraxyada miino.

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa laga maqlay degmada Aadan Yabaal iyo bannaankeeda qaraxyo loo maleenayo in ay yihiin miinooyin, lamana oga in qaraxyadaasi yihiin kuwa ciidamada qarxiyeen iyo in kale.

Saraakiisha ciidamada dowladda hoggaamineysa ayaa sheegay in rejo badan ka qabaan in saacadaha soo aadan galaan degmada Aadan Yabaal oo sannado badan Al Shabaab u aheed fariisin muhiim ah .

Ciidamada duullaanka ku qaaday degmada Aadan Yabaal ayaa dhoor jiho ka aaday degmadaasi, waxaana qabsashada degmadan Al Shabaab ku noqoneysa guul darro weyn oo kasoo gaarta howlgalada ka dhanka ah ee ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo gaadiid lala soo baxsaday ku wareejisay dowlada Itoobiya

Cabdi Cade

Tirada dadkii ku dhintay qaraxii saaka ka dhacay Muqdisho oo sii kordheysa (Sawirro)

Caydiid Ali

Somalia oo sanadkii hore marti gelisay Qaxootigii ugu badnaa oo ka yimid saddex dal

Caydiid Ali
Taboola Ads ---