Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka oo kaashanaya kuwa ilaalada madaxtooyada howlgalo baaritaano ah ka wadaan guryaha ku dhaw dhaw madaxtooyada.
Tan iyo waxii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday hotelka Rays ee ku dhaw madaxtooyada waxaa soo baxay tuhuno la xariira in weerarkaasi fududeeyeen dad dowladda ku jira, waxa ayna ciidamada xireen dad lagu tuhmayo in weerarkaasi fududeeyeen.
Ciidamada ayaa galay guryo ku dhaw dhaw madaxtooyada kuwaa ay degnaayeen dad shacab ah oo qaarkood loo sameeyay aqoonsiyada dowladda iyo guryo kale ay degan yihiin saraakiil iyo shaqaale dowladeed.
Sida aan xogta ku helnay ciidamada ayaa hubinayay dadka degan guryaha ay baareen iyo waxa ay yihiin, waxa ayna ciidamada tuhmayaan in aagaasi lasoo dejiyay dad katirsan Al Shabaab ama wada shaqeyn dhaw la leh.
Guddi ayaa loo saaray baarista weerarkii lagu qaaday hotelka Villa Rays oo kuyaallay goob ammaankeeda si weyn loo adkeeyay kuna dhaw madaxtooyada, waxa uuna weerarkaasi bannaanka keenay fashilka ammaan ee caasimadda ka jira.
Dowladda Soomaaliya ayaa markasta guddi baaritaan u saarta qaraxyada iyo weerarada qaar ee ka dhaca Muqdisho, mana jiraan inta badan natiijo kasoo baxda baaritaanadaasi iyo sidoo kale dad loo ciqaabo .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com