Allbanaadir.com
NEWS

Xarumaha Ganacsi ee kuyaalla inta u dhaxeysa Dabka iyo Sayidka oo xiran iyo Bannaan bax la qorsheenayo (Sawirro)

Waxaa saakay gabi ahaan xiran goobihii ganacsi ee kuyaallay inta u dhaxeysa isgoosyada Dabka iyo Sayidka ee laamiga makka Al Mukarama, waxa ayna ganacsatada go’aansadeen in gabi ahaan xiraan ganacsigooda si ay cabasho u muujiyaan.

Goobaha ganacsi ee kuyaalla inta u dhaxeysa labada isgoos ayaa cabasho xooggan ka muujiyay xirnaashiyaha laamiga oo loo diiday in gaadiidka iyo sidoo kale mootooyinka bajaajta  isticmaalaan .

Waxa ayna sheegeen ganacsatada iyo goobaha ganacsi ay degan yihiin lacago badan uga kireesan tahay, haddana aysan heesan macaamiil wax ka iibsata, maadaama ciidamada dowladda xireen isgooska Dabka ayna diideen in gaadiidka kasoo gudbaan.

Ganacsatada ayaa saakay qaban qaabinaya bannaan bax cabasho ay uga soo horjeedaan xirnaashaha inta u dhaxeysa Isgoosyada Dabka iyo Sayidka, waxa ayna codsanayaan in wadadadaasi oo muhiim u ah ganacsigooda dib loo furo.

Ciidamada ammaanka ayaa adkeeyay ammaanka wadooyinka laga galo madaxtooyada Soomaaliya ayaa koontarool dhigay isgooska dabka, waxa ayna ciidamada kaliya deenayaan gaadiidka ay wataan masuuliyiinta dowladda iyo saraakiisha ciidamada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ergayga Garka ah ee Madaxweynaha JFS oo fariin qoraal ah u gudbiyay Axmed Abul Gheit

Cabdi Cade

RW Xamse oo kormeray qaar ka mid ah xarumaha Muhiimka ah ee dowlada (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo shaacisay in la gaaray Xiligii Farmaajo ka dagi lahaa Hargeysa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---