Dowlada Iran ayaa sheegtay iney kala dirtay Booliska akhlaaqda ee ka jiray dalkaas kaasoo loo aaneynayno inuu sabab u ahaa rabshadaha iyo dibed baxyada hareeyey labadii bilood ee la soo dhaafay.
Xeer ilaaliyaha guud ee Iran ayaa shir diimeed ka sheegay in la kala diray booliska diinta ee dalkaasi.
Kooxdan loogu yeeri jirey Booliska akhlaaqda’ ayaa loo sameeyay si ay u dhaqan geliyaan hab-labiska iyo anshaxa Islaamiga ah ee laga doonayo shacabka dalkaas.
Rabshado ayaa ka dhacayey Iran tan iyo markii Mahsa Amini oo laba iyo labaatan jir ah ay dhimatay ka dib markii xabsiga la dhigay laguna eedeeyay inay jabisay xeerka adag ee dharka dumarka.
Kaladirista bilayska diinta ayaa la sheegay inuusan macnaheedu ahayn in sharciga xijaabka uu meesha ka baxay sida ay qabaan dadka falanqeeya arrimaha dalka Iran
Waxa uu sheegay in tallaabadan ay noqon doonto mid aad u yar, isla mar ahaantaana ay soo daahday, kolka loo eego baaxadda dibadbaxyada sii socda inkastoo dadka qaarna ay qabaan iney dejin karto xaalada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com