Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cudur halis ah oo ka dilaacay gobolada ay Soomaalidu ku badan tahay ee Mareykanka

Cudurka Jadeecada ayaa ka dillaacay Maraykanka, kaas oo ku sii badan Gobollada ay Soomaalidu ku badan tahay sida Minnesota iyo Ohio.

Gobolka Ohio illaa iyo haatan waxaa laga helay illaa 50 qof oo uu ku dhacay xanuunka Jadeecadu, waxaana taasi keentay in la xiro qaar ka mida iskuulada iyo weliba goobaha caruurta lagu xanaaneeyo.

Sida wararku sheegayaan, 20 ka mid ah, 50-ka qof ee xanuunkan laga helay ayaa la dhigay cusbitaalada gobolka Ohio, sida ay sheegtay waaxda caafimaadka ee magaalada Columbus.

Saraakiisha Caafimaadka ayaa wada dedaalo lagu doonayo in cudurkaas faafidiisa hoos loogu dhigo, waxaana socoto wacyi gelin la xiriirta cudurkaas iyo sababaha uu ku faafo si looga digtoonaado.

Sababaha cudurkan uu ugu badan yahay gobolada ay soomaalidu ku badan tahay ayaa lagu sheegay iney tahay qoysaska Soomaalida oo badanaa aan caruurtooda ka talaalin cudurkan, iyagoo aaminsan in talaalku uu leeyahay saameyn kale uuna sababo taran la’aan ma dhaleysnimo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somalia & Bankiga adduunka oo kala saxiixday heshiis ku kacaya $445 Million oo dollar (Sawirro)

Caydiid Ali

Laamiyo ku yaala Muqdisho oo dumay & Shirkadihii dhisay oo lagu dhagan yahay (Sawirro)

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo warbixin ka dhegeystay wafdi ka socday DF (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---