Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magaca looga badalay wasaaradda kalluumaysiga iyo hhayraadka badda ee Soomaaliya.
Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaana wareegta uu soo saaray loogu bixiyay wasaaradda magac cusub oo ah wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluuga ah (Ministry of Fisheries and Blue Economic.
Lama cadeyn sababta rasmiga ah ee keentay in magaca laga bedelo wasaaradda kaluumeesiga ee xukuumadda Soomaaliya , waxaana wasaaradan noqoneysaa tii ugu horeesay oo magaca laga bedelo dowladihii ugu dambeeyay ee dalka soo maray.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com