Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan degdeg ah isugu yeeray xubnaha guddiga joogtada ee golaha shacabka oo uu wehliyo guddoonka Golaha.
Sida aan wararka ku heleyno kulankan ayaa diirada lagu saari doonaan arrimo badan oo soo cusboonaaday gaar ahaan mooshino ay diyaariyeen xildhibaano katirsan golaha shacabka iyo arrinta dooda dhalisay ee xasaanada Xildhibaanada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaana kala hadli doona guddoonka golaha shacabka iyo xubnaha guddiga joogta ee golaha maareynta mooshinada xildhibaanada qaar diyaariyeen iyo sidoo kale xal u helida dooda dhinaca amniga ee xildhibaanada soo jeediyeen.
Qaar kamid ah xildhibaanada golaha shacabka oo ka hadlay xaalada amni ee dalka ayaa si kulul u dhaliilay xukuumadda Soomaaliya iyo laamaha amniga ay ku dhaliileen in ay ku fashilmeen xaqiijinta amniga.
Doodda amniga ayaa timid kaddib markii isbuucii hore weerar ku bilowday qarax ismiidaamin ah lagu qaaday hotelka Rays ee ku dhaw xarunta madaxtooyada Soomaaliya, weerarkan ayaana dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com