Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Gabar Xijaabka ka dhacay iyada oo tartan ka qeyb galeysa oo gurigooda la dumiyay

Gabar dhallinyaro ah oo u dhalatay dalka Iran oo lagu magacaabo Elnaz Rekabi, ayaa la kulantay ciqaab adag , kaddib markii tartanka fuulista goobaha ka qeyb gashay iyada oon xirneyn xijaab .

Elnaz Rekabi, ayaa ku xadgudubtay xeerka labiska dalka Iran, waxaana muuqaalkeeda iyo sawiradeeda la baahiyay iyada oon xirneen xijaab, tallaabadaasi ayaana dhalisay carrada dowladda iyo shacabka qaarkood.

Gabadhan ayaana markii dambe raali gelin ka bixisay ficilka ay ku dhaqaaqday, waxa ayna xustay in xijaabka si kas ah isaga siibin balse uu ka dhacay xilli ay tartanka uga qeyb galeysay dalka Kuuriyada Koonfureed.

Raaligelinta ay bixisay gabadhan ayaa noqday mid aan sidaa loogu qancin, waxaana la sheegay in dowladda Iran ciqaab kusoo rogtay gabadha iyo qoyskeeda, waxaana la burburiyay gurigii ay ku lahaayeen dalka Iran.

Dalka Iran ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa ka socday rabshado ka dhashay dil booliiska u geesteen gabar aan xijaabneen, banaan baxyo dowladda looga soo horjeedo ayaana ku faafay qeybo badan oo Iran katirsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Taliyaha ciidanka lugta & xubno kale oo gaaray degaan laga saaray Al-shabaab

Caydiid Ali

Madaxweyne Zelensky oo booqday Magaalo ay ka baxeen ciidamada Ruushka (Sawirro)

Caydiid Ali

Shir aan Caadi aheyn oo la isugu yeeray Golaha Wasiirada iyo Warar sheegaya in…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---