Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku riday Cabdiraxmaan Cadow Ciise Maxamed, oo maalmo kahor isbaaro taalla degmada Balcad ku dilay nin darawal ka ahaa gaari caasi ah.
Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in ninkan gacan ku dhiiglaha ah ku cadaatay falka dilka ah lagu soo eedeeyay, una dilay marxuumka lacag shilimaad ah.
Waxa uu maxkamadda horteeda kaga dhawaaqay guddoomiye Shuute in xukun dil ah Cabdiraxmaan Cadow Ciise oo si bareer ah u dilay Marxuum Saylax Cabdulle Axmed oo ahaa darawal gaari.
Xukunka maxkamadda ku riday gacan ku dhiiglaha waxaa soo dhaweeyay ehelada marxuumkii uu dilay, waxa ayna sheegeen in wax wanaagsan tahay in qofkii gardarro qof kale u dila in isna la toogto.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com