Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii xilka madaxweynaha mar kale loo doortay si degdeg ah ku amray in xabsiga looga sii daayo Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) oo sannado xabsiga ugu jiray dowladdii Farmaajo.
Dad badan ayey lama filaan ku noqotay markii xukuumaddii uu soo dhisay Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre looga dhax arkay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, oo maalmo kaliya xabsiga Nabad sugidda moogaa ,haddana kamid noqday golaha wasiiradda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay sababta ku kaliftay in dowladda uu hoggaamiyo lagu soo daro Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo mar kamid ahaa hoggaamiyaasha ugu sar sareeya ee kooxda Al Shabaab ee dowladda dagaalka kula jirtay.
Wareysi uu siiyay Madaxweynaha Wargeyska The Guardian ayuu ku sheegay in uu aaminsan yahay in Wasiir Mukhtaar Roobow muhiim u yahay in dowladda lagu soo daro, waxa uuna xusay in uu ku qancin karo qaar ka mid ah asxaabtiisii hore inay kasoo goostaan Ururka Al-Shabaab.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in Abuu Mansuur markii dowladda lagu daray kaddib xiriir la sameeyay xubno sar sare oo katirsan Al Shabaab gaar ahaan kuwa dhaxdhaxaadka ah, si uu ugu qanciyo in ay kasoo baxaan kooxdaasi uguna soo biiraan dowladda.
Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay Al Shabaab ayaa isku soo dhiibay dowladdii Madaxweyne Farmaajo, waxaana mar qura dowladda xirtay Abuu Mansuur markii ay uga cabsatay in madaxweyne ka noqdo Koonfur Galbeed.
Wasiirka owqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda Soomaaliya ayaa hadda kaalin weyn ka qaadanaya dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, waxa uuna shacabka iyo ciidamada ku dhiiro galiyaa in ay la dagaalamaan kooxda Al Shabaab uu xusay in ay fidno yihiin.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com