Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa maanta safar degdeg ah ku imaanaya magaalada Muqdisho, waxaana garoonka Aadan Cadde ka socota qaban qaabada soo dhaweynta Siciid Deni.
Siciid Deni ayaa wararku sheegayaan in Muqdisho u imaanayo sidii uu kulamo xasaasi ah ula qaadan lahaa madaxda dalka ugu sareysa gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh, labada masuul ayaana kawada hadli doono mad madow soo kala dhax galay labada dhinac.
Madaxweynaha Puntlnad Siciid Deni ayaa sidoo kale magaalada Muqdisho inta uu joogo la kulmi doono wakiillo katirsan beesha Caalamnka iyo sidoo kale siyaasiyiinta dowladda ku matela maamulka Puntland .
Warar hoose aan helnay ayaa sheegaya in madaxweyne Deni ka carrooday qorshe madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha wateen oo ah in taliyaha ciidanka booliiska u magacaabaan shaqsi iyagu wataan , iyaga aan kala tashan Madaxwryne Deni.
Madaxweyne Deni ayaana si weyn uga soo horjeestay in dowladda aysan kala tashan qoondooyinka dowladda ku leeyihiin in dadka loo magacaabayo, waxa uuna horey u dhaliilsanaa qaabkii loo soo xulay Ra’isul wasaaraha ,sidoo kale loo soo dhiday xukuumada.
Imaanshaha Madaxweyne Deni ee Muqdisho ayaa kusoo aadeysa xulli ammar la sheegay in shalay kasoo baxay xafiiska Saciid Deni loogu diiday in Puntland ku timaado wasiirka deegaanka iyo isbedelka cimilada ee dowladda Soomaaliya Marwo Khadiija Al-Makhsuumi.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com