Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowladda Sweden oo gacan galisay Turkiga nin ay si weyn u doon doonayeen

Dowladda Sweden ayaa usoo gacan galisay Turkiga nin ay si weyn u doon doonayeen oo lagu eedeeyay in uu xubin muhiim ah ka ahaa ururka PKK oo dowladda Turkiga u aqoonsan tahay urur argagaxiso.

Warbaahinta Turkiga ayaa ku waramay in Mahmut Tat, dowladda Sweden usoo gacan gelisay Turkiga, ninkan oo kasoo jeeda Kurdiyiinta ayaana ku jiray liiska dadka ay dowladda Turkigu dooneysay in loo soo gacan galiyo.

Dowladda Sweden oo fulineysa shuruudo dowladda  Turkiga ku xirtay si ay ugu biirto Gaashaanbuurta NATO ayaa bilowday in ay soo gacan geliso qaar kamid ah liiska dadka sida weyn Turkiga u doon doonayo.

Xubno sare sare oo katirsanaa ururka PKK oo Turkiga u aqoonsan yahay urur argagaxiso ayaa horey ugu sugnaa dallka Sweden oo soo dhaweyn jiray xubnahaasi, hasa ahaatee Sweden ayaa hadda aqbashay in kooxahaasi u aqoonsato argagaxiso si NATO ugu biirto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka soo baxay Wadahadalkii Riyadh ee Ruushka & USA?

Caydiid Ali

Roob baraf wata oo ka da’ay degaan ka tirsan dhulka Soomaalida (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Mucaaradka oo qaadaya talaabo ka dhan ah ciidanka Farmaajo u diray Baladweyne

Caydiid Ali
Taboola Ads ---