Qeybta Warfaafinta ee xafiiska Raisul Wasaaraha Somalia ayaa maanta ka saartay Bogga Facebook ee xafiiskaas War ama Post ku saabsanaa xoghayaha joogtada ah ee xafiiska RW Maxamed Abuukar Subeyr oo lagu wareejiyey xarun loogu talo galay iney ku shaqeyso heyadda maareynta masiibooyinka Qaranka, taasoo dhismaaheeda ay maalgelisay dowlada Sweden
Wararka qaar ayaa sheegaya in Agaasimaha Warfaafinta xafiiska RW Farxaan Maxamed Jimcaale uu amar ku bixiyey in Page-ka xafiiska ee OPM Somalia laga saaro Postigaan.
Farxaan Jimcaale ayaa la sheegay inuu ku andacooday in war aan aheyn kan Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Xukuumadda lagu baahin karin bogaga sita magaca Xafiiska RW.
Maxamed Abuukar Subeyr oo ah Xoghayaha xafiiska RW ayaa arrintaas aad uga carooday, sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu lagu kalsoon yahay inkastoo aan la ogeyn inuu qaaday talaabo arrintan ku aadam iyo in kale.
Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska RW Maxamed Abuukar Subeyr ayaa la sheegay iney marar badan arrimo shaqo isku qabteen howlwadeenada ka garab shaqeeya xafiiska raisul Wasaaraha dalka.
HOOS KA DAALACO SAWIR LAGA QAADAY POSTIGA LA TIRAY
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com